Ciidamada itoobiya ayaa lagu soo waramayaa in ay baneeyeen xero ciidan oo ku taala deeganada maamulka Jubbaland.
Ciidankan ayaa qayb ka ahaa howlgalka ATMIS ee midowga afrika oo markii hore la oran jiray AMISOM.
Wasiirka amniga maamulka jubbaland jeneraal yuusuf xuseen cismaan (dhuumaal) oo u wehliyo taliyaha qaybta 43 aad Gen cali maxamed maxamuud bagmadoow ayaa ciidanka ATMIS kala wareegay xerada ma-dhamaato oo kutaala duleedka degmadda kismaayo.
Xeradaan madhamaato oo sanooyin badan ay ku sugnaayeen ciidanka ATMIS ee ka socda itoobiya ayaa waxaa la wareegay taliyaha qaybta lixaad ee ATMIS Gen.Luca kutto.
Howlgalka ATMIS ayaa sheegay in ay baneeyn doonaan meelo badan oo dalka ah halkaas oo ay ka wadeen howlgalo ay ku doonayaan in lagaga adkaado maleeshiyada alshabaab.
Hore ciidanka waxay u baneeyeen deegaano dhawr ah oo dalka ah,goobahaas oo ay la wareegeen ciidanka xooga dalka.