Wasiirka arrimaha dibada turkey hakan fidan ayaa shaaciayy in itoobiya ay si rasmi ah uga codsan doonto soomaaliya helida deked.
Waxaa uu sheegay in ay aqoonsan doonto madax banaanida iyo midnimada dhuleed ee soomaaliya,taasoo ka dhigan itoobiya ay ka laabatay heshiiskii MoU-ga ee la gashay Somaliland.
Hadalka wasiirka arrimaha dibada ee turiga oo toddobaadkii hore safar ku tagay addis ababa ayaa muujinayaa horumaro laga sameeayy dhex dhexaadinta uu turkiga ka dhex wado soomaaliya iyo itoobiya.
Waxaa la filayaa in toddobaadka soo socda ay dib u bilowdaan wajiga labbaad ee wada hadalka labbada dhinac ee gogoshiisu ka fidsan tahay Ankara.