Itoobiya ayaa hubkii ugu tirade badnaa iyo gaadiid gaashaaman kala soo degtay dekeda dalka jabuuti.
Gaawaarida gaashaaman ee itoobiya soo dajisatay noocooda waxaa la dhahaa “Calidus MCAV020” waxaana sameeya imaaraat-ka carabta isagaa itoobiya siiyay boqolaal xabbo oo kamid ah beebeyaashaan casriga ah.
Itoobiya oo xoog ama xeelad doonaysa badda soomaaliya in ay ku helaan ayaa afar dhacdo oo muujinaysa diyaar garoow ku dhaqaaqday:-
1.Waxaa shalay xuduuda feerfeer ee gobolka hiiraan kasoo galay tiradii ugu badnayd oo ciidanka militariga itoobiya ah.
2.Waxaa maalmihii u danbeeyay masuuliyiinta itoobiya ay kormeer iyo sahmin ay ku tageen deegaanada Saylac iyo Lughaya.
3.Waxaa ay itoobiya soo iibsatay oo sawiro hoose laga soo qaaday gaadiid dagaal oo aad u tiro badan sida sawirka kor idinka muuqda.
4.Waxat itoobiya soo galisay hub iyo saanad ciidan goboladda dhexe ee dalka iyadoo ay halkaas dagaal beeleedyo culus ka socdaan muddooyinkii u danbeeyay.