Diyaaradaha dagaalka israa,iil ayaa duqayn dhalisay qasaaro dhimasho iyo mid dhaawac ah ka gaysatay magaaladda dimishiq ee caasimada dalka suuriya,waxaana warar dheeraad ah kasoo baxayaan cidda sida rasmiga ah duqaynta loola beegsaday.
Sidoo kale duqaynta ay diyaaradaha dagaalka israa,iil ka fuliyeen magaaladda dimishiq waxay ka dhacday meel aan ka fogayn safaaradda iran ee kutaala caasimadda Syria,lamana soo warin wax qasaaro ah oo gaaray dibloomaasiyiinta safaarada.
Dhanka kale gantaal ay soo rideen diyaaradaga dagaalka israa,iil ayaa ku habsaday gaari ay wadatay safaa axmed oo ahayd wariye katirsan telifishinka qaranka Syria,gabadhaan ayaana la dilay daqiiqado kadib markii ay kasoo baxday barnaamij toos ah ay uga hadlaysay duulaanka israa,iil ku qaaday lubnaan.
Lama oga ilaa hadda bartilmaameedka duqaynta israa,iil ka gaystay magaalada dimishiqa in ay ahayd gabadha wariyaha iyo in kale waxaana sidoo kale la cadeeyay in ay jirto cid kale oo gaariga la saarnayd gabdha wariyaha ee la dilay.
Si kastaba,diyaaradaha dagaalka israa,iil ayaa sidoo kale duqaymo kale oo qasaaro kala duwan geestay saacadihii lasoo dhaafay ka fuliyay gudaha dalalka Syria iyo lubnaan waxaa ayna duqaymahaan dhacayaan xili ciidamada militariga israa,iil weerar dhinaca dhulka ah ku galeen dalka lubnaan.