Dagaal ka dhacay koonfurta Gaza sabtidii ayaa israa,iil looga dilay siddeed askari sida ay sheegeen saraakiil u hadashay ciidamada isra,el.
Isra,el waxay sheegtay in dhacdadani ay wali dib u eegis kusocoto balse natiijooyinka hordhaca ah ayaa sheegaya in gaari gaashaaman oo ay saarnaayeen askar qayb ka ahaa kolonyo uu qarax haleelay abaae 5:15 subaxnimo waqtiga maxaliga ah intii uu socday howlgal ka socday qaybta waqooyi galbeed ee tal al-suldaan.
“Sida aan xogta ku hayno xiligaan mid kamid ah baabuurta injineerada ee kolonyada ayaa ku lug lahaa qarax ka dhashay walxaha qarxa oo goobta lagu aasay ama ka dhashay gantalaada lidka taangiyada,” ayuu yiri afhayeenka ciidamada Israel Daniel hagari.
Warar ay horay usoo saartay Israel ayaa lagu sheegay in laga yaabo in qaraxa hore uu ka dhashay markii walxaha qarxa ee gaariga saarnaa ay la qaraxday.
“Qiimaynta hada waxay tahay in gaariga gaashaaman ee ‘nemera’ uu haleelay qarax miinada dhinaceeda ah.Intaa waxaa dheer gaariga waxaa saarnaa qalab ciidan ay ku jiraan waxlaha qarxa.
Militariga isra,el ayaa intaas ku dara in qasaaruhu uu aad u badan yahay oo ay adkayd in la ogaadp oo la helo maydadka dadka la dilay.
Guutada al qasaam garabka militariga ee xamaas ayaa sheegay in ay fuliyeen weeraro gaadmo ah oo lala beegsaday baabuurta isra,el ee ka howlgala tal al-sultan oo ku taal galbeedka magaalada koonfureed ee rafah.
Waxaa ay sheegeen in ay beegsadeen cagaf-cagaf militari kadibna uu dab qabsaday taasi oo sababtay dhimasho iyo dhaawac soo gaartay askartii la socotay.
Markii ciidamada gurmadka ay gaareen,kooxda dableyda ah ayaa ku dhufutay gaari nooca gaashaaman halkaasoo ay ku dileen askartii.
Isra,iil waxaa ay sheegtay in mid kamid ah askarta dhimatay uu kamid ahaa kabtan wassem mahmoud oo ahaa taliye kuxigeenka guutada injineerinka,toddobada magac ee kale ayaan weli la shaacin.