Wakaaladda wararka iran ee IRNA ayaa ku warantay in nidaamka difaaca cirka lagu qalabeeyay aaggaga muhiimka ah ee guud ahaan iran,talaabadaan oo ay ku sheegeen mid looga hortagayo iskuday kaste oo lagu weeraro.
Nidaamka difaaca oo ah mid casri ah ayaa waxaa iran ugu deeqay ruushka oo ku xumaynaya dalalka reer galbeedka isagoo kaga aargudanaya taageerada ay siiyaan Ukraine.
Kusimaha wasiirka arimaha dibadda iran,ali Bagheri ayaa maanata hadal uu kajeediyay kulan ay magaaladda Jeddah ee dalka sacuudiga ku yeesheen 57 dal ee xubnaha ka ah ururka iskaashiga islaamka (OIC).
Wuxuu ka sheegay inaysan iran haysan dooq kale aan ahayn inay ka jawaabto weerarkii lagu dilay madixii siyaasada xamaas,ismaaciil haniyeh ee ka dhacay Tehran.
Warsaxafadeed kulanka laga soo saaray ayaa sidoo kale lagu sheegay in ururka iskaashiga islaamka OIC uu si dhamaystiran u sheegayo dilka haniyeh in ay masuul ka tahay israa,iil iaygoo ku tilmaamay in uu ahaa weerar xad gudub ku ah madax banaanida iran.
Dhinaca kale wakaaladda wararka ee reauters ayaa soo bandhigtay inay israamiil bilowday inay dhisto baqaaro dhulka hoostiisa ku yaala oo lagu kaydinayo dhiigyo iyo agab kale ee caafimaad,talaabo qayb ka ah diyaar garowga guud ee ay israa,iil ay kujirto si ay uga gaashaamato weerarada iran,xisbullah iyo kooxaha kale ee gobolka oo la filayo inay ka jawaabaan dilka madixii xafiiska siyaasada xamaas,ismaaciil haniyeh ee Tehran ka dhacay arbacadii toddobaadkii hore.
Isbitaaladda iyo xarumaha kale ee caafimaadka israa,iil waxay ka guureen dhamaan goobihii kaydka ee weerarada ay gaarsiin karaan gubasho,bakhaarada dhulka hoostiisa ah ee la dhisay ayaa la sheegay in loo diyaariyay hanaan adag oo iska difaaci kara weerarada sida lagu sheegay warbixinta reauters.