Wararka inaga soo gaaraya gobolka jubbada hoose ayaa sheegaya in saraakiil katirsanaa kooxda alshabaab isku soo dhiibeen ciidanka dowladda iyo kuwa maamulka jubbaland kadib markii alshabaab laga saaray deegaano cusub oo katirsan gobolkaasi.
Wakaaladda wararka dolwadda soomaaliya ee SONNA ayaa baahisay in afar horjooge oo katirsanaa kooxd alshabaab una qaabilsanaa deegaanka buulo xaaji ay dhawaan ciidanka dowladda isku soo dhiibeen.
Dhanka kale saraakiishaan ciidanka dowladda isku soo dhiibay ayaa kala ahaa amiirkii deegaanka buulo xaaji,madaxii maaliyada ee deegaankaas,madaxii sirdoonka iyo nin kale isna kooxd al shabaab madax uga ahaa qaadista xoolaha loo yaqaano sakawaadka.
Ugu dambayn ciidanka dowlada iyo kuwa maamulka jubbaland ayaa maamlo ka hor maleeshiyaadka kooxda alshabaab ka saaray deegaanka buulo xaaji ee gobolka jubadda hoose,ciidanka ayaana halkaasi kawada howlgalo amniga deegaanka lagu xaqiijinayo.