Wasiirka arimaha dibada dowladda turkiga hakan fidan ayaa maalinta beri oo sabti ah lagu wadaa in uu booqasho ku tago dalka itoobiya isagoo la kulmi doona wasiirka arimaha dibada ee dalkaas Taye salassie iyo raysalwasaare Abiy axmed.
Hakan fidan ayaa madaxda sare ee dowladda turkiga kala hadli doono xeriirka ka dhaxeeya labada dal iyo arimo badan oo quseeyo labadda dowladood,waxaana uu sidoo kale kala hadli doonaa xaaladaha ka taagan geeska afrika.
Dowladda turkiga ayaa dhex dhexaadinaysa soomaaliya iyo itoobiya oo xiligaan ka dhaxeeyo qilaaf aad u xooggan iyadoo bisha soo socoto ee September loo balansan yahay wajiga labbaad ee wada hadalada ay isugu yimaadaan wafuud kala matelaysa dowladaha soomaaliya iyo itoobiya.
Turkiga ayaa xeriir wanaagsan waxaa uu xiligaan kala dhaxeeyaa labadda dal ee soomaaliya iyo itoobiya waxa ayna xukuumadda Ankara ka shaqaynaysaa sidii la,isugu soo dhawayn lahaa labadda dal xalna looga gaari lahaa qilaafka taagan