Wararka aan ka helayno degmadda luuq ee Gobolka gedo ayaa sheegaya in maanta markale lagubay guryo ay leeyihiin shaqsiyaad kujiray dagaalkii ka dhacay degmadaas iyo kuwa ay leeyihiin dad shacab ah.
Xaalada magaaladda ayaa haatan degan,isu socodka,ganacsiga,waxbarashada iyo dadka ayaa caadi ah waxaana socdo dedaalo nabadeed oo lagu xalinayo dhinacyadii dagaalamay.
Degmadda luuq waxaa weli kusugan waftiga uu hogaaminayo madaxwayne kuxigeenka jubbaland maxamuud sayid aadan waxayna kulumo la yeesheen waxgaradka,nabadoonada iyo cuqaasha magaalada luuq si loo xaliyo dhibaatooyinkii dhacay.
Ugu dambayn masuuliyiinta ayaa soo kormeeray suuqii ganacsiga iyo guryihii la gubey isla markaana waxay qiimayn ku sameeyeen qasaaraha hantiyeed ee lagu waayay dagaaladii dhacay waxaana maanta la filayaa in degmadda luuq ay gaaraan saraakiil iyo ciidamdo aad u ira badan si ay qayb uga noqdaan xalibnta shaqaaqadii dhacday.