Wasaarada arimaha gudaha maamulka jubbaland ayaa warqad usoo dirtay ay ku tagayaan magaaladda kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka jubbaland,gudoomiyaha degmadda beledxaawo ee Gobolka Gedo cabdicasiis xareed cabdulaahi iyo xoghayaha maaliyada degmadda cabdiqadar yuusuf dhuumaal kuwaas oo in muddo ah uu ka dhaxeeyo khilaaf ku saabsan wada shaqayn la,aan.
Maamulka gobolka oo joogo Gedo ayaa ka horyimid in ay baxaan labadaasi xubnood maadaama aysan awood u lahayn wasaarada inay qaado,masuuliyiinta Gobolka ogaal la,aantooda.
Horay ayay wasaarada u qaaday seddex masuul oo katirsan maamulka degmadda buurdhuubo ee Gobolka Gedo kuwaas oo hadda kismaayo hotel ka degan.
Qore: wariye jeylaani xuseen ciid.