Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo xooggan iyo rasaasta in muddo ah kasocotay xero ciidan oo ku taala koonfurta degmadda beledxaawo ee Gobolka Gedo.
Dableey hubaysan oo katirsan maleeshiyada kooxda Alshabaab ayaa weerar ku qaaday fariisin ciidanka daraawiishta jubbaland ay kuleeyihiin duleedka degmadda b/xaawo,gaar ahaan xaafada golan hayd.
Majirto ilaa hada wax qasaare oo ka dhashay weerarkan,maleeshiyada hubaysnayd ee kooxda alshabaab ayaa dib isaga laabtay xerada kadib markii ay iska cabin xoogan kala kulmeen ciidanka dowladda ee halkaas kusugnaa.