Waxaa maanta degmadda luuq ee gobolka gedo ka dhacay dagaal muddo kooban socday kaas oo uusan ka dhalan wax qasaare ah,waxaana weli is hor fadhiya ciidamada beelaha halkaasi ku diriray.
Waan waan ay wadeen masuuliyiinta Gobolka iyo maamulka degmadaas ayaa fashilmay isla markaana lagu kala dareeray.
Dowladda federaalka soomaaliya iyo maamulka jubbaland ayaa ku guuldareestay in xal u helaan dagaalka ka socda degmadda luuq waxaa ayna madaxda DFS iyo kuwa jubbaland soo saareen keliya baaqyo nabadeed kuwaa oo u muuqda in dhagaha ka furaysteen dhinacyada dagaalamaya.