Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil xalay abaare saacadu markay ahayd 3:30 ee habeenimo loo gaystay qoys u dhashay qowmiyada oromada kuwaas oo ka shaqaysan jiray degmadda beledxaawo ee Gobolka Gedo.
Dilka ayaa si gaar ah uga dhacay xaafada farjano ee degmadda beledxaawo gaar ahaan dhabarka danbe isbitaalka degmadda ee khaliil.
Dableyda ayaa dilay toddobo kamid ah dadkii degenaa guriga oo kala ah shan dumar ah iyo labbo rag ah waxaana sidoo kale ay dhaawaceen lix qof kuwaas oo kala ah labbo caruur ah,hal dhalinyaro ah iyo seddex haween ah.
Dhamaan dadka dhintay biyo kuwa dhaawaca ah ayaa kasoo jeeda qowmiyada oromada marka laga reebo haweenay soomaali ah taas oo ka mid ahayd dadka deegaanka.
Dableyda ayaa gurigooda ugu gashay marxuumiinta dhintay iyo kuwa dhaawacmay kadibna rasaas ku kufuray iyagoona goobta ka baxsaday.
Dhacdadaan oo ah mid cusub nooceedana horay uga dhicin beledxaawo ayaa laamaha amaanka degmadaas waxaa ay wadaan dedaalo iyo baaritaano ay ku ogaanayaan cida gaystay falkaan.