Taliska ciidanka booliiska soomaaliyeed ayaa maanta ka dejiyay magaaladda garoowe ee xarunta maamulka Puntland eedaysane maalin ka hore laga soo qabtay dalka Kenya.
Hogaanka xeriirka dibada (Interpol) ee booliiska soomaaliyeed ayaa saaka aroortii diyaarad ku qaaday eedaysane gacan ku dhiigle MAXAMED CUMAR CIISE ee horay dil ugu gaystay muwaadin soomaaliyeed oo lagu magacaabo EX.MARXUUM MAXAMED AXMED FAARAX 17-05-2024 kaas oo uu waaran soo qabashadiisa ah kasoo baxay xafiiska xeer ilaalinta guud ee Qaranka.
Eedaysanahaan ayaa lagu wareejiyay laamaha amaanka ee gobolka nugaal si loo horgeeyo maxkamadda loona marsiiyo cadaalada.