Wararka inaga soo gaaraya gobolka mudug ayaa ku waramaya in maanta duqayn xoogan ay ka dhacday gobolkaas taasi oo lagu beegsaday maleeshiyada kooxda alshabaab.
Duqaynta ayaa ka dhacday inta u dhaxaysa caad iyo jeex-jeexa ee koonfurta gobolka mudug.
Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa warkanews.com u xaqiijiyay in duqayntaan si gaar ah loola bartilmaameedsaday goob ay isku aruursanayeen kooxda al shabaab oo kutaala halkaasi taas oo dhalisay qasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac soo gaaray maleeshiyada.
Saraakiil katirsan militariga soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in goobta lagu dilay horjoogeyaal iyo maleeshiyaad katirsan kooxda isla markaana ay cagta mariyeen difaacyadiio al shabaab ee aagga jeex-jeexa oo maalmihii u danbeeyay ay ka socdeen howlgalo culus.
Shalay ayay ahayd markii dagaal qasaare lagu gaarsiiyay kooxda uu ka dhacay deegaanka shabeelow oo dhaca koonfurta gobolkaas,kadib weerar ay soo qaaday kooxda.
Galmudug ayaa kamid ah meelaha ay haatan ka socdaan dagaalada ay iska kaashanayaan ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka,kuwaas oo lagu xoreeyay dhul balaaran.