Dowladda federaalka ee soomaaliya waxay ka xuntahay in labbo kamid ah xubnaha baarlamaanka federaalka soomaaliya ay soo wajahday xaalad ay sheegeen in amnigooda wax loogu dhimayey oo ku qabsatay magaaladda nayroobi ee dalka keenya.
Waxaa sidoo kale ay DFS si xoogan u beeninaysaa wararka xildhibaanadaasi ay baraha bulshada ku baahiyeen ee ay dhacdadaasi ugu xiriirinayaan dowladda soomaaliya.
Dowladda federaalka soomaaliya waxay u taagan tahay ka shaqaynta iyo dhiirogelinta xoriyada hadalka,fekerka iyo siyaasada muwaadiniinta soomaaliyeed ee dastuuriga ah meel kaste oo ay joogaan.
Soomaaliya iyo keenya waxaa ka dhaxeeya xeriir wanaagsan oo ku salaysam derisnimo wanaag iyo is qadarin waxaana xubnaha baarlamaanka soomaaliya ee dhacdadaasi ay soo wajahday la gudboon inay la xeriiraan laamaha amaank ee Kenya oo waajib ka saran yahay sugidda amniga,ilaalinta shacabka iyo martida dalkooda ku sugan si loo bayaamiyo sida ay wax u dhaceen.