Dowladda soomaaliya ayaa lagu waramayaa inay bixisay $7.8 milyan oo qayb ka ah miisaaniyad sanad maaliyadeedka 2024/2025 ee ururka bulshada bariga afrika oo dalku dhawaan ku biiray.
Bixitaanka miisaaniyadda ayaa soomaaliya gacan ka siinaysa in la dedejiyo qariirada lagu dhamaystirayo sidii ay soomaaliya ku heli lahayd xuquuqda ku biirista ururkaan oo ay ka mid tahay isku socodka xorta ah ee bulshada iyo ganacsiga.
Dal waliba oo xubin ka ah EAC sanadkii waxaa waajib ku ah in uu bixiyo 8.4 milyan oo doolar taasi oo ah miisaaniyada uu uruku ku howlgalayo.
Soomaaliya maadaama ay bixisay 7.8M waxaa baaqi ku ah $600 oo kun sida ay baahisay jariirada the east African ee kasoo baxfa Kenya.
Jamhuuriyada dimuqraadiga ah ee congo oo labbo sano ka hore ku biirtay ayaan ilaa hada hal doolar ku biirin miisaaniyada ururka EAC ee is dhexgalka bulshadda bariga afrika.