Dowladda soomaaliya ayaa war cusub kasoo saartay wajiga labbaad ee dagaalka kooxda alshabaab.ayada oo sheegtay in uu haatan ka bilowday deegaanada jubbaland isa uu shaaciyay wasiirka amniga,cabdulaahi ismaaciil fartaag.
Wasiirka oo hadal ka jeediyay munaasabad ka dhacday muqdisho ayaa sheegay dowladdu inay qaaday wajiga labbaad ee dagaalka oo uu ka socdo magaaladda kismaayo ee xarunta gobolka jubbada hoose.
Fartaag ayaa sheegay in ciidamada ay dha-dhaqaaqeen kuna sii socdeen aagga degmadda badhaadhe oo hadda ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka kooxda alshabaab
“Wajiga labbaad ayaa bilowday,kismaayo ayuu ka socdaa buuloxaaji ayaa la marayaa,waxaana lagu socdaa badhaadhe oo waxyar ayaa kasii dhiman” ayuu yiri fartaag.
Sidoo kale wuxuu u jawaabay dadka eedaynaya dowladda federaalka gaar ahaan wararka ku aadan in dib looga soo baxay deegaano badan kadibna ay qabsadeen maleeshiyada kooxda alshabaab.
C/laahi ismaaciil fartaag ayaa xusay in wararkaasi ay yihiin waxba kama jiraan,wuxuuna sheegay in ciidamada huwanta ah ay kusii siqayaan deegaano hor leh.
“Kuwa meelaha mar maraayo ee dhahaayo meelihii laga kiciyay maleeshiyaadka alshabaab waa kusoo noqdeen waa beenalayaal weeye”ayuu kusii daray wasiirka amniga soomaaliya.
Gobolo badan oo dalka ku yaala waxaa ayaa socda howlgalo ka dhan ah maleeshiyada kooxda alshabaan,waxaana kamid ah hirshabeele,galmudug,jubbaland iyo koonfur galbeed.