Degmadda baardheere ee gobolka gedo ayaa 19 kii beri ee lasoo dhaafay waxaa ka soconaya qorsho balaaran oo dhaqaale looga aruurinayo dhamaan dadka degan xaafadaha ku yaala degmadaas iyo goobaha ganacsiga waxaana howshaan degmadda ka hergeliyay guddiga dhaqaale uruurinta dib u dhiska buundooyinka Gobolka Gedo.
Howsha dhaqaale uruurinta ee dib u dhiska buundada baardheere ayaa waxaa loo xil saaray 24 qof oo laga soo xulay bulashadda deegaanka kuwaas oo ka howlgalay xaafadaha degmadaas ee ku kala yaala labbada daan ee magaaladaas iyadoo qoyskaastaana laga qaadayo lacag dhan $50.
Shiiq c/laahi maxamed cismaan (sh cabdulaahi fanax) oo ah gudoomiyaha guddiga dhaqaale uruurinta dib u dhiska buundooyinka Gobolka Gedo ayaa bogaadiyay qaabka ay usocoto dhaqaale uruurinta ee dib u dhiska buundooyinka dhamaan xaafadaha baardheere iyo goobaha ganacsiga.
Dhanka kale qaar kamid ah shaqaalaha loo xil saarau howsha dhaqaale uruurinta ayaa faah faahin waxay ka bixiyeen sida ay usocoto qaadista lacagaha laga qaadayo qoys kasta,waxayna rajo wanaagsan ay ka muujiyeen dadka degan xaafadaha in ay diyaar u yihiin bixinta lacagaha lagu dhisayo buundada.