Dhul gariir cabirkiisu dhan yahay 10 km ayaa lagu soo waramayaa in uu ku dhuftay dalka itoobiya.
Waxaa uu dhul gariirka ka dhacay deegaanka Awash Fentale oo qiyaastii 165 km koonfur bari kaga beegan addis ababa.
Dhul gariirka ayaa dhacay axadii abaare 9 P.M waqtiga maxaliga ah ee dalkaas,waxaana dhul gariirka laga dareemay caasimada addis ababa,metehara oo koonfur bari ka xigta iyo kombolcha (Dessie u dhow) ee waqooyiga dalkaas.
Warbaahinta dowladda itoobiya ayaa sheegtay inay jireen dhul gariiryo yaryar oo dhawrkii maalmood ee lasoo dhaafay ka dhacay qaybo kamid ah dalkaasi.
Itoobiya ayaa dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay waxaa meelo kala duwan ka dhacayay dhul go, aan horay loo arag kaas oo galaaftay noolasha in ka badan 300 oo qof.