Ilaalada xeebaha daklka mauratania ayaa soo saaray maydadka sideetan iyo sagaal qof oo tahriibayaal ah oo la socday dooni isniintii ku degtay badwaynta atlantica.
9 qof oo ay kujirto gabar shan sano jir ah ayaa lasoo badbaadiyay bales tobanaan kale ayaa la la,yahay.
Dadka badbaaday ayaa sheegay in markabka yare e ay la socdeen uu ahaa doon kaluumaysi oo toddobaadki hore kasoo shariicatay xadka u dhaxeeya Senegal iyo gambia.
Doontaasi waxaa saarnaa boqol iyo toddobaatan qof waxayna ku qalibantay xeebta koonfur galbeed ee mauratania.
Mauratania ayaa ah marin muhiim ah oo ay maraan dadka tahriibayaasha ah ee isku dayaya in ay yurub uga safraan galbeedka afrika,waxaana kumanaan doon ay ka dhoofaan dalkaasi sanadkii hore.
Dowladda spain ayaa sheegtay in ku dhawaad 40,000 00 qof ay sanadkii hore halkaasi gaareen labba jibaar tiradii sanadkii hore.
In kabadan shank un oo muhaajiriin ah ayaa ku dhintay iyaga oo isku dayaya in ay badda ku gaaraan spain,shanti bilood ee ugu horaysay sandka 2024-ka sida ay khiyaastay hay,adda samafalka ee ca-minando fronteras.
Bishii April midowga yurub wuxuu siiyay mauratania $225m oo gargaar ah kudhawaad $60m oo kamid ah lacagahaasi ayaa lagu maal gelin doonaa dagaalka ka dhanka ah socdaalka sharci darada ah ee eurobe.