Waxaa sii kordhaya tirada dadka ku dhintay dhul go,ii ka dhacay dalka itoobiya taas oo haatan ay qaramada midoobay ku sheegtay tirade dhimashadu inay haatan kor u dhaaftay ilaa 257,waxaana lagu qiyaasayaa inay gaadhi karayso ilaa 500 oo qof.
Kooxaha gurmadka degdega ah ayaa weli wada baadigoob iyo sidii ay u heli lahaayeen dad ka badbaaday masiibadaan.
Waxaana goobta mashaqadu ka dhacday soo gaaray kumanaan qof kuwaas oo ay qaarkood adeegsanayaan gacmahooda ama qalab yaryar oo ay ku qodayaan dhulka.
Solomon tsoma ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP in 13 qof oo kamid ah qoyskiisu in ay ku geeriyoodeen dhul go,aan oo ay kujiraan toddoba caruur ah oo uu adeerkiis uu dhalay,wuxuuna intaas ku daray inay heleen maydadka 12 ka mida.
Hay,adda qaramada midoobay ee UNOCHA ayaa sheegtay in tirade dhimashadu ay kor u sii socoto ayna gaari karto ilaa 500 oo qof.