Ciidamada dowladda iyo maleeshiyada al shabaab ayaa sacaadihii lasoo dhaafay ku dagaalamay degmadda waajid ee gobolka bakool.
Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid kadib markii maleeshiyada shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ku yaala duleedka degmadaasi,waxaana kadib xigay dagaal fool ka fool ah oo u dhaxeeyay maleeshiyada soo weerar tagtay iyo ciidamada dowladda ee joogay halkaasi.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa inoo xaqiijiyay in dagaalka uu qaatay saacado,isla markaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa culus oo u dhaliyay qasaare xoogan.
Saraakiil katirsan militariga soomaaliya oo ka hadlay weerarka lagu soo qaaday ayaa sheegay inay iska difaaceen isla markaana ay jabiyeen shabaabkii soo duulay.
Waxaa ay sidoo kale intaa ku dareen in dagaalka at ku dileen shan xubnood ayna gacanta ku dhigeen dhaawacyo kuwaas oo ay sheegeen inay soo bandhigi doonaan.
Xaalada ayaa haatan ah mid degan waxaana goobaha lagu dagaalamay ku sugan ciidamadda xooga iyo kuwa koonfur galbeed oo hawlgalo halkaasi ka wado.
Degmadda waajid waxaa mudooyinkii u danbeeyay weeraro ku hayay kooxda shabaab oo toddobaadkii hore beegsatay saldhig ay degmadaas ku leeyihiin ciidanka itoobiya ee qaybta ka ah ATMIS.