Awaamiir kasoo baxday taliyaha ciidanka nabad sugida ee degmadda doolow ee gobolka gedo maxamed sugoow aadan gureey ayaa digniin kasoo saaray gawaarida leh muraayadaha madoow (bensalka) oo ay wataan qaybaha kala duwan ee bulshadda iyo indho shareerka in ay ka imaan karto qatar dhanka amniga ah.
Taliyaha ayaa gawaarida leh muraayadaha madoow ku sheegay in lagu soo qaadi karo qaraxyada iyo shaqsiyaad is qarinaya oo bulshada dhibaatayn raba iyo indho shareerka ay soo xiran karaan rag iyo dumar wajiga qarsanaya taasi oo ay dhici karto in ay fuliyaan fal danbiyeed ama mid argagixiso.
Isagoo sii hadlayay ayuu sidoo kale sheegay mudooyinkii danbe in degmadda ay kusoo badanayeen shaqsiyaad wata baabuurta bensalka ah iyo dumar isticmaalaya indho sharer iyadoo hore uu mamnuuc uga ahaa degmadda doolow ee Gobolka Gedo.
Ugu dambayn waxaa uu ciidamada ku amray in ay soo qabtaan cid walbo oo fulin wayso awaamiirta ay soo saareen.