Wararka laga helayo magaalada garoowe ee caasimadda maamulka Puntland ayaa sheegaya in ciidamo gadoodsan kana tirsan madaxtooyada isbaaro dhigteen wadada laamiga ah ee gasha madaxtooyadda.
Wadadan ay xirteen ciidanka ayaa muhiim ah waxaana ku yaalo xarumo dowladeed iyo hoteelo waa wayn.
Ciidamadaan oo ku hubaysan gaadiidka dagaalka ayaa u diiday gaadiidka shacabka iyo kuwa maamulka in ay isticmaalaan wadadan waxayna sheegeen in mudo dhawr bil ah aysan qaadan wax mishear ah.
Madaxwaynaha maamulka Puntland siciid deni ayay ku eedeeyeen in mushaarkooda u isticmaalay ololaha doorashada waxaana ay sheegeen in aysan arintaas u dul qaadanaynin.
Waxaa dhacdadaan ku baxay saraakiil katirsan ciidamada iyaga oo ku howlan sidii saraakiisha iyo ciidamada gadoodsan loogu qancin lahaa in ay furaan wadada muhiimka ah ee ay xirteen.