War hada inaga soo gaaray degmadda doolow ee Gobolka Gedo ayaa ku waramay in ciidamada itoobiyaanka ah ee kusugan degmadaasi ay rideen madaafiic culus oo laga maqlay gudaha degmadaasi iyo deegaanada ku hoosyimaada.
Ila kala duwan ayaa shabakada warkanews.com u xaqiijiyay in madaafiicda la riday ay ahaayeen dab rid iyo tijaabo hubka culus noocyadiisa kala duwan ah.
Xogta ayaa intaasi ku daraysa in maalmaha soo socda ciidamada itoobiya ay howlgalo ka samayn doonaan deegaano u dhaxeeyo degmooyinka doolow iyo luuq sida geedwayne,shaatolow iyo meelo kale oo ay ku dhuumaalaysanayaan maleeshiyada kooxda Alshabaab.