Magaalada adis ababa ee caasimada dalka itoobiya waxaa kusugan xubno katirsan mucaaradka jubbaland waxaana hogaaminaya cabdi cali raage iyo c/rashiid xasan cabdinuur janan,booqashadooda ayaana lagu sheegay inay goobayaan xeriir siyaasadeed inay ka helaan itoobiya.
Xubno katirsan sirdoonka itoobiya oo qorshaha kulamo ka dhaco adis gadaal ka riixayay ayaan weli ku guulaysan kulamo natiijo laga gaaro oo dhaco.
Siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa goobayo goobo saldhig siyaasadeed u noqdo si ay u naqdiyaan isdoorashada axmed madoobe iyagoo ka doonayo Gedo inay ka helaan.
Ilo kala duwan waxay inoo sheegeen in xeriirka axmed madoobe iyo itoobiya uu hadda fiicanyahay isdoorashadiisana aysan carqalad ku ahayn markii loo fiiriyo dagaalka siyaasadeed isku hayaan dowladda federaalka ah.
Cabdsidii badnaynd ee laga muujinayay in Gedo qalalaaso siyaasadeed uu dib kaga qarxo ayaa la qabin hadda.
Bilowga bishaan ayaa lafuri doonaa baarlamaanka jubbaland waxaana qudbad jeedin doono madaxwaynaha maamulka jubbaland axmed maxamed islaam madoobe.
Ajendayaasha kulamada baarlamaanka ayaa ah sidii laga yeeli gudoomniye ku xigeenka 1 aad ee golaha wakiilada Jubbaland oo mucaarad isku badalay,furista dastuurka qodobkiisa 95 ee mar sedexaad in uu axmed tartamo lagu qorayo.
Guriga uu kismaayo ka degenaa gudoomiye kuxigeenka baarlamaanka Jubbaland ayay ciidami nabad sugid ah weerareen waxaana laga waayay hoygii uu deganaa ilaa iyo hadana meel uu joogo lama sheegin gudoomiyaha.
In uu soo saaro fariin mucaarad oo waqtigaan taabanayso isdoorashada axmed madoobe waxay ka timid ayaa la leelayahay iyadoo xubno beesha caalamka ah kismaayo joogaa.
Dhaqaalo badan oo laga qaaday goobo kale duwan ayaa gacanta u galay madaxwaynaha jubbaland midaas oo loogu diyaar garoobi doono isdoorashadiisa markii seddexaad.