Burcad badeeda soomaalida ayaa sii kordhiyay dhaqdhaqaaqyada ay dhawaan ka bilaabeen xeebaha soomaaliya iyo biyaha gacanka cadmeed.
Kooxda ayaa shalay waxay qaadeen weerarkii 4 aad kaasi oo ay ku beegsadeen dooni kaluumaysi oo laga leeyahay wadanka yemen.
Sida ay xaqiijiyeen hay,adaha amaanka ee dalkaas waxaa la waayay halka ay jaan iyo cirib dhigtay doontaan oo markii ugu danbaysay lagu arkayay meel u dhow biyaha soomaaliya.
Dhanka kale ururka ganacsiga badaha ee UK loona soo gaabiyo (UKMTO) oo ka hadlay dhacdadaan ayaa wuxuu sheegay inay rumaysanyihiin in la afduubtay doontaan kaluumaysi oo ka timid yemen.
Doonta oo lagu magacaabo EME RAT-2 ayaa gacanta lagu dhigay xili ay kusii jeeday waqooyiga xeebaha yemen sida laga soo xigtay masuul katirsan maamul maxali ah.
Waxaana wararka intaasi ku darayaan in doontaan laga qafaashay meel qiyaastii sideed mayl dhanka waqooyi kaga began degmadda EYL ee gobolka nugaal ee puntiland halkaas oo ah goobta ay weeraradii kale ee burcad-badeedu kasoo bilowdeen horaantii bishaan diseember.
Waxaa weerarkan ka horeeyay afduub mar kab yar oo ganasi maalmo ka hore loogu gaystay meel u dhow xeebaha degmadda eeyl sida ay shaacisay hay,adda la socodka ganacsiga badaha ee dalka biritayn.
Hay,adda ayaa shaaca ka qaaday in koox hubaysan oo burcad badeed ah ay markabkaas oo ahaa mid ganacsi ku qabteen xeebaha puntiland balse ay haatan wadaan baaritaano.
Tani ayaa waxay sii kordhinaysaa wel-welka laga qabo burcad badeeda soomaalida in ay markale dib usoo laba kacleeyaan,kadib mudo ay ka caaganayeen xeebaha soomaaliya.