Dhaqdhaqaaqa iska caabinta falastiiniyiinta Qasa ayaa 24 saac ee lasoo dhaafay fuliyay howlgalo ay ku beegsadeen ciidanka israa,ii lee kusugan gudaha gaza ee dhulka reer falastiin.
Inta ay weerarada socdeen waxaa geeriyooday saraakiil iyo askar katirsan ciidanka isra,el oo aan si rasmi ah tiradooda loo soo bandhigin,halka taangiyo iyo gaadii kale oo dagaal laga gubay israa,iil.
Balse isra,el si ay uga jawaabto weerarada waxay duqayn ku dishay ku dhawaad 200 falastiniyiin ah afar iyo labaatanka saac ee lasoo dhaafay oo ay ku jirto duqayn ay la beegsadeen iskuul ku yaala khaan yuunis oo ay ku barakaceen qoysas badan.