Baarlamaanka dalka turkiga ayaa ansixiyay mooshinkii uu dhowaan hor geeyay madaxwayne Erdogan kaas oo ahaa in ciidamo badeed iyo maraakiib dagaal oo turkiga leeyahay la geeyo xeebaha soomaaliya.
Mudada sharciga ah ee baarlamaanka ay ansixiyeen ayaa ah labbo sano wuxuu u baahan doonaa in waqtigaa dib loo cusboonaysiiyo.
Arrintaan ayaa ka dhigan talaabo muhiim ah oo lagu fulinayo heshiiskii iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha ee dhexmaray soomaaliya iyo turkiga.
Heshiiskaas iskaashi oo quseeyay dhinacyada difaaca iyo dhaqaalaha oo ay wada saxiixdeen turkiga iyo soomaaliya bishii febraayo ayaa ujeedadiisu tahay in lagu xoojiyo awooda difaaca badda soomaaliya iyo in la dhiso ciidan badeed.
Somaliland ayaa dhowaan gaashaanka u daruurtya ciidamada turkiga ee kusoo wajahan geeska afrika iyada oo ka digtay in ay usoo dhawaadaan biyaha Somaliland.
Turkiga ayaa tan iyo sanadkii 2010-kii saamayn xooggan ku leh soomaaliya,waxaa uu maamulaa gegida diyaaradaha iyo dekeda caalamiga ah ee muqdisho isagoo saldhig militari iyo safaarad wayn ku leh soomaaliya waana saaxiibka ugu wayn dowladda soomaaliya.