Maamulka Somaliland ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen xubno katirsan maleeshiyada al shabaab kuwaas oo kasoo safray dhanka degmadda jilib ee gobolka jubadda dhexe.
War qoraal ah oo kasoo baxay hay,adda sirdoonka somalind ee NIA ayaa waxaa lagu sheegay in howlgal ay iska kaashadeen hay,adda iyo ciidanka militariga Somaliland lagu soo qabtay xubnaha al shabaab.
Waxaa xubnahaan gacanta lagu dhigay ka kooban yihiin 7 qof oo isugu jiro rag iyo dumae sida lagu sheegay warka qoraalka ah.
Somaliland waxay sheegtay toddobada qof labbo kamid ah in ay yihiin dumar kuwaas oo ay qabaan amiiro katirsan maleeshiyada kooxda.
Horay Somaliland ayaa sidaan oo kale gacanta ugu dhigtay xubno ay sheegtay in ay katirsanyihiin maleeshiyaadka alshabaab oo galay deegaanadeeda.
Si kastaba qabashada xubnahaan ayaa kusoo aadaya,ayada oo kooxda ay dhowaan diginin culus kasoo saartay heshiiska badda ee uu muuse biixi la galay ra,iisul wasaaraha itoobiya abiy axmed.