>

ARTICALES

Sports

Zinedine Zidane Oo Isha Ku Haya Shaqada Xulka France, Isagoo Bilaabaya Shaqo Tababarenimo.

801411-13677230-640-360-533x300

Zinedine Zidane ayaa talaabooyinkii ugu horeeyay u qaadaya suurtagalnimada uu tababare ugu noqdo maalin uun xulka France, isagoo ku biiray barnaamij tababar oo lagu qabanayo macahadka kubada cagta France ee

Xulka Somalia oo reebay Sudan, una soo gudbay wareega 2-aad:Sawiro

5

Waxaa caawa magaalada Khartoum ee xarunta dalka Sudan lagu soo gabagabeeyay ciyaar dhex martay Xulalka ciyaartoyda da’dooda ka yar tahay 17 jirada ee Somalia iyo Sudan, ciyaar ka tirsaneyd isreebreebka

Xulka Maroodi-jeex Oo 2-1 Ku Muquuniyay Xulka Saraar

ciyaar1

Xulka Gobolka Maroodijeex (Hargeysa) oo difaacayana Horyaalnimadda koobka tartanka gobolada oo ay ku guulaysteen ciyaarihii sanadkii 2011-kii lagu qabtay Magaaladda Burco, ayaa maanta 2-1 ku muquuniyay xulka Gobolka Saraar oo

Xulka Gobolka Hawd oo 2-1 ku caraabiyay Xulka Gobolka Badhan

ciyaar2

Ciyaartii labaad ee tartanka ciyaaraha goboladda Somaliland ayaa galabta garoonka kubadda cagta ee Hargeysa Stadium ay ku yeesheen labada xul ee goboladda Badhan iyo Hawd oo ku wada jira Group-ka

Xiddiga Reer Cameroon Samuel Eto’o Oo Weerar Culus Ku Qaaday Mar Kale Alex Song.

Etoo-Song-Croon490ai

Weeraryahankii hore ee Barcelona Samuel Eto’o ayaa dib isaga weeraray ciyaaryahanka haatan ee Barcelona ee Alex Song.

Labada ciyaaryahan ee kuwada jira xulka qaranka Cameroon ayaa in muddo uusan xiriirkooda

Xiddiga khadka dhexe ee Juventus Andrea Pirlo ayaa sheegay inuu timaha u jaran doono sida Mario Balotelli hadii kooxdiisa ay xilli ciyaareedkaan ku guuleysato Champions League.

2

London (WNN) Juventus ayaa ku soo laabatay tartanka Champions League ka dib fadeexadii Calciopoli, iyagoo xilli ciyaareedkii hore ku guuleystay horyaalka Serie A. “Inaan ku guuleysano Champions League waxa

Xiddiga Arsenal Gervinho Oo Garoomada Ka Maqnaan Doona Muddo Seddex Isbuuc Ah.

image

Ciyaaryahanka garabka uga ciyaara kooxda Arsenal Gervinho ayaa la lagu wadaa inuu garoomada ka maqnaado muddo seddex isbuuc ah madaama uu dhibaato ka qabo canqowga sida uu xaqiijiyay tababare Arsene

Xiddig kooxdiisa ula dagaalay inay u diiday inuu ku biiro Chelsea ( waa Xiddigee kaas?)

xidiga

London (WNN) Xiddig kooxdiisa ula dagaalay inay u diiday inuu ku biiro Chelsea ( waa Xiddigee kaas?) Qad dhexlaha Shakhtar Donetsk Willian ayaa aad u carrooday islamarkaana dagaal iyo

Why This Dream Team Is the Most Explosive in US History

USA11

London (WNN)The arguments surrounding whether the current iteration of Team USA could beat the original 1992 Dream Team may never be settled to anyone’s satisfaction, but we can still

What’s next for Egyptian football

AL IHLI

Egyptian (WNN) Al Masry fans remember those who died [Andy Richardson] Al Ahly is a football club that has long been famous as a focal point for patriotism and political

Wayne Rooney oo taageerayaasha Man Utd u sheegay inuu lasii joogi doono wax ka badan 10 sano

4

London (WNN) Weeraryahanka kooxda Manchester United Wayne Rooney ayaa sheegay inuu doonayo inuu wax ka badan Toban sano sii joogo gedega Old Trafford.

Weeraryahanka u dhashay dalka England ayaa mustaqbalkiisa

d id="middle">

“Ma Banaana Wax Aan Ummada Balanteeda Ahayn in Siyar Si Yar Loogu Xado” xildhibaan Qabille

Hargeysa (WNN) Waxa jirta maah maah caana oo tidhaahda taariikhdu way soo noqnoqotaa
taa macnaheedu waxa weeye wax mar hore ka dhacay dunida meel ayaa meel
kale ka dhaca xili aan xiligaa ahayn , noloshuna waxay ka buuxdaa guul
iyo guul daro labadaba, ummadi markay talo leedahay waa in ay leedahay
ujeedooyin ay maanka ku hayso, manta waxaynu u dabaal degeynaa sanad
guuradii 52aad ee ka soo wareegtay xiligii ay Soomaaliland xoriyadeeda
ka qaadatay boqortooyadii midawday ee ingiriiska, inagoo manta ka
joogna 21 sano la soo noqoshadii   xornimadii tasawday ee 1960kii,
maxaynu shalay qaladnay?. Maantase maxaynu doonaynaa?  Maxay ku kala
duwanyihiin duruufihii shalay markaynu qaldanay iyo manta? Su’aalahaas
waxaan jawaabtooda u dhaafayaa shacbiga reer Soomaaliland, waxaan
qabaa horumarkasta oo Aadamahu ku kaco waxa saldhig u ah halbeeg uu
wax ku cabiro. Soomaalilandta manta waxay samaysatay qaynuun mideeya
iyo dastuur kuwaas oo ay ku cad yihiin hanaan socodka qarannimo iyo
xakamaheeduba iyadoo si waadixa u aaminsan una waafajisay qawaaniinta
caalamiga ah.

Maanta ma aha maalin ay garanwaydo, hog doorkeeda, himiladeeda,&
hubsiimada geedi socodkeeda, tubta iyo talada wanaagsan ee ay u
marayso, intaa waxa dheer ka sheekayn mayo Sooyaalka taariikheed ee
Soomaaliland ee wax badan laga waramay ama la hayo, waxaan jecelahay
in aan is dul taago su’aasha ah Maxaa cusub oo manta ku soo biiray
taxanihii siyaasadeed ee ka horeeyay xiligan? Dadka reer Soomaaliland
waxay galeen xiligii dareenka qarannimadooda ay uga warwereen
murkucasho mar labaad ku timaada iyagoo dhibaatadooda u aanaynaya
siyaasad hadoodilan oo aan hore u soo marin shacbigan habdhaqankoodii
dawladnimo, qawaaniintii iyo dastuurkii ay ku soo habeen korinta
qarannimadoodan curdinka ah, meesha iyo goorta isbedelka intaa le’eg
ee uu ku yimid, kaas oo ah xanuun ku dhan shacbigan, xiliganna ay ku
gedaaman yihiin duruufo siyaasadeed  oo ilaa heer caalami ah, taasi oo
ah mid aanay ka dareen qabin kana xog la’aayeen  iyagoo si lama filaan
ugu war helay sida xaaladu is bedeshay mar qudha.

Dalkani wuxuu lahaa golayaal uu dastuurku sar jaray awoodahooda  isla
markaana isu miisaaman yihiin, kuwaas oo aan qabo in si ula kac ah loo
dhaawacay siyaabo kala ged gedisana ay u muuqato inuu u dhacay af duub
iyo ku dhaqan la’aan qaanuuneed oo maalinba maalinta ka danbaysa ka
sii darayay, taasina ay lumisay isu dheeli tirnaantii qaran, waxa
lumay is hansigii (Trust), wada tashigii iyo siyaasadii cadayd (
Transparency), Xisaabtankii (accountability) iyo ku dhaqankii
qawaaniinta iyo xeerarkii dalka u degsanaa.

Ummadani cuqdad kama qabto raadinta  qadiyadeeda iyo aqoonsi ay beesha
caalamka ka hesho dariiq kasta oo ay u marto iyo waqti kasta oo ay ku
qaadato, ereyga hada lagua dhawaajinayo ee ah Danta reer Soomaaliland
ma aha mid qeexan mana aha  tii dabarka furidiiisa lagu  degdegay loo
furay waxase uu ahaa  meelkasta oo uu galo ka midho dhalinta qadiyada
iyo aqoonsiga Soomaaliland mana banana waxaan ummada balanteeda ahayn
in si yar siyar loogu xado, waxa manta looga fa dhiyaa hogaanka sare
ee dalka in  uu bulshada u cadeeyo kana siiyo xog sugan oo dhaba  oo
ku saabsan siyaasada arimaha dibada, iyo qodobada marin habaabinta ah
ee ka soo baxay shirarkii isdaba jooga ahaa ee ka dhacay London1
Istanbuul2 London 3 iyo Emaraadka Carabta, kulamadaas oo aan qabo in
ay dhamaantood ku socdaan xawaare aad u sareeya  oo u muuqda in lagaba
deg-degayo Talo qaran oo loo dhan yahay,

Shacbiga reer Soomaaliland waxaan  ku baraarujinayaa kuna wargelinayaa
inay si foojigo leh, uga il sugtaan ulana socodaan, dhaqdhaqaaqyada
siyaasadeed ee baryahan  dambe minja haadlaynaya  kana dareen qabaan
wax kasta oo qarannimadooda, gooni isu taagooda, sharafta iyo
karaamada qarannimadooda wax u dhimaya gudaha iyo dibadaba, isla
markaana ilaashadaan midnimadooda iyo wadajirkooda, iyadoo ay baryahan
dambe jirto talaabooyin lagu burburinayo  qoowmiyadooda,
ummadnimadooda, & jiritaankooda , isla markaana u diyaargaroobaan la
xisaabtanka masuuliyiinta kala duwan ee u ig madeen xilalka kala duwan
martabad kasta oo ay hayaan, iyagoon u eegayn maskab, xisbi,&
qabiiltoona, waxaan ku soo gebagebaynayaa madaxweynihii ugu horeeyay
ee Maraykanka ee Georgr Washington waxa laga hayaa AAN WADA DHIMANO
AMA MID MID AYAYNU U DHIMAN ( LET US DAI TOGETHER OR WE SHALL DAI
SEPERATLY)  taas oo aan uga jeedo hadaydaan haybadiina iyo
qarannimadiina ku ilaashan wada jir wazaa iman doonta waqti aad ka
itaal yartiin oo aad u nuglaan doontaan tabaha cadawgiina, hadii kale
waxa ku danbayn doontaan halhayskii abwaanka ee ahaa :

Hore u soco dibna usoco
Hore iyo diba u soco
Darandoori jaanqaad
Maxaa daal la korodhsaday,

Ayaan Badanaa Dhulkaygu
Aqoon daranaa Dhashiisu
Illaahay haduu Waxsiiyo
Ilowsho Dhawaa Saboolku.

Wa Billaahi Tawfiiq

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile
Golaha wakiilada Soomaalilaand
Hargeisa
Telephone: 4168889

Leave a Reply

  

  

  

You can use these HTML tags

<a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>